Home WARARKA MAANTA Booliiska Gobolka Banaadir oo ka shiray adkeynta Amniga.

Booliiska Gobolka Banaadir oo ka shiray adkeynta Amniga.

14
0

Khamiis  13, Nov 2025 {CBB}Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo ay ka qeyb-galeen taliyaasha saldhigyada, unugyada amniga iyo saraakiil sare oo ka howl-gala caasimadda Muqdisho.

Shirkan oo ka dhacay xarunta taliska guud ee Booliska gobolka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga magaalada Muqdisho iyo diyaar garowga doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in la qabto dhammaadka bishan November.

Taliyaha ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay saraakiisha saldhigyada kala duwan ee degmooyinka, kuwaas oo faahfaahiyay xaaladda amni ee goobaha ay ka taliyaan, howlaha la xiriira sugidda nabadgelyada, iyo caqabadaha taagan.

Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in Booliska Gobolka Banaadir ay si buuxda uga go’an tahay inay sugaan amniga goobaha codbixinta iyo xarumaha doorashada, si ay shacabka u helaan jawi nabdoon oo ay ku doortaan wakiilladooda deegaanka.

Isagoo sii hadlayay, Taliyaha ayaa ku booriyay saraakiisha iyo ciidamada in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, gaar ahaan dadka nugul sida haweenka, dhalinyarada iyo dadka naafada ah.

Taliyaha Qaybta Guud ayaa carrabka ku adkeeyay in ammaanka Muqdisho uu ku xiran yahay wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada, isagoo xusay in xogta shacabka ay muhiim u tahay ka hortagga falalka amni-darrada.

Doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in la qabto 30-ka November 2025, iyadoo ay weli socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhinacyada maamulka, amniga iyo farsamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here