Home WARARKA MAANTA Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka degay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka degay Muqdisho

13
0

Khamiis  13, Nov 2025 {CBB}

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tego Soomaaliya, tan iyo markii uu baneeyay xilka madaxtinimo.

Wuxuu sidoo kale ku soo beegnayaa iyadoo siyaasiin hore ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay kaga qeyb galaan doorashada soo socota.

Farmaajo ayaa ahaa madaxweynihii sagaalaad ee soo mara dalka Soomaaliya, isagoo xukunka hayay intii u dhaxeysay 2017-2022-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here