Talaado November 18, 2025 {CBB} Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta ku wajahan Dalka Maraykanka si uu ula kulmo Madaxweynaha Dalkaas Donald Trump sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan Xukuumadaha Riyadh & Washington.
Maxamed Bin Salmaan ayaa Madaxweyne Donald Trump kala hadlaya xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Dal, fulinta heshiisyo hore oo ay wadagaleen, qorshaha Sacuudiga uu ku doonayo in uu ku helo hub casri ah iyo qodobo kale.
Safarkii Madaxweynaha maraykanka Donald Trump uu ku tagay Sacuudiga Bishii May sanadkaan 2025 waxa uu Sacuudi Carabiya u faray albaabka helista hub casri ah oo ku kacaya $142 Bilyan oo doollar.
Trump qudhiisa waxa uu doonayaa in uu Sacuudiga dib ugu celiyo dhabbaha heshiiskii Dalalka Carbeed ay la galeen Israa’iil oo gaabis ku yimid muddo xileedkii Madaxweynihii ka horreeyay ee Joe Biden sida wararku sheegayaan.







