Home WARARKA CAALAMKA Yurub & Afrika oo kawada hadlaya kordhinta taageerrada lagu bixiyo Amniga Soomaaliya

Yurub & Afrika oo kawada hadlaya kordhinta taageerrada lagu bixiyo Amniga Soomaaliya

33
0

Talaado November 18, 2025 {CBB}Midowga Yurub ayaa sheegay in uu kordhinayo dhaqaalaha ku baxaya howlgallada lagu sugayo Amniga Soomaaliya, Danjiraha ururkaas ee Arrimaha Soomaaliya, Francesca Mouro ayaa tilmaamtay in shir dhowaan dhacayo lagu xoojinayo dardargelinta qorshahaan.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay booqatay xarumaha Ciidanka kuna soo aragtay Hub, Dawooyin iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah, tani ayay tilmaamtay in ay ka tarjumeyso soo kabashada Soomaaliya.

Waxa ay dalbatay in dalalka kala duwan ee Caalamka ka qaybqaataan sidii ay u garab istaagi lahaayeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Midowga Afrika ka socda ee AUSSOM maadaama xaalado kala duwan uu soo maray ururkaas.

Francesco Mouro ayaa carrabka ku dhufatay in shirweyne Bishaan ka dhacaya Dalka Rwanda una dhaxeeya Madaxda Midowga Afrika iyo Yurub looga arrinsan doonno sidii loo xoojin lahaa taageerrada la siinayo Soomaaliya si looga hortago khataraha ku horgudban.

“Waxa aan dedaal ugu jirnaa in la kordhiyo taageerrada la siiyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, si ay amniga dalkooda ay u gala wareegaan Ciidamada Midowga Afrika, Waxa aan rabnaa in nalala wadaago kaalmada amniga Soomaaliya oo aan keliya lagu dayn EU” Ayay tiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Mouro.

“Muddo dheer kaddib waxa aan rabnaa in nalala wadaago mas’uuliyadda taageerista amniga Soomaaliya, 200 Milyan oo Yuuro ayaa loo baahan yahay, waxaana bixinay 50 Milyan oo Yuuro” Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Mouro.

Midowga Yurub ayaa kamid ah dhinacyada taageerra Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Afrikaanka ah ee dalka ku sugan, waxa uu ururkaas ka caawiyaa tababarrada, qalabaynta, fududeynta howlgalladooda iyo la daboolo duruuf weliba oo kahor imaan karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here