Arbaco Nov 19, 2025 {CBB} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkado ajaanib ah iyo kuwo maxalli ah ay ku howllanyihiin dal-dalashada qaybo ka mid ah khayraadka dalka Soomaaliya si gaar ah Macdanta dalka.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabo sharci darro ah loo qaadanayo khayraadka taasoo ay hadda uga digayaan ajaanibta iyo muwaadiniintaba.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamad, ayaa muujiyay in muddooyinkii la soo dhaafay ay soo badanayeen shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku howllan arrintaan.
“Wax aan indhaha laga qarsan karin ayaa dalka qaybo ka mid ah ka socda oo khayraadkii dadka iyo dalku lahaa ayaa la dal-dalnayaa iyadoo loo marayo dad wax magarata ah,” ayuu yiri wasiir Daahir.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay dalka mas’uul uga tahay arrimaha ku saabsan khayraadka dalka, isla markaana ay iyada oo kaliya fasixi karto maaama sidaa sharcigu oronayo.







