Home WARARKA CAALAMKA Madaxweyne Trump oo kulan ka codsaday Duqa cusub ee Newyork

Madaxweyne Trump oo kulan ka codsaday Duqa cusub ee Newyork

13
0

Khamiis 20 Nov 2025 {CBB}Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Jimcaha kulan la yeelan doono duqa cusub ee New York, Zohran Mamdani, oo bishii hore la doortay.

Trump, oo hore ugu magacaabay Mamdani Shuuci, ayaa sheegay in kulanku ka dhici doono Xafiiskiisa Washington Oval Office.

Xafiiska Duqa magaalada Newyork ayaa xaqiijiyay arrintan, iyagoo sheegay in wada hadallada diirada lagu saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo sidii nolosha magaalada loo raqiisin lahaa.

Guddoomiye Zohraan ayaa hore u sheegay inuu kaliya u shaqeyn doono dadkii doortay, balse uusan dan ka laheyn hadalada naceybka ee Trump.

Duqa cusub ee Newyork Zohran ayaa ah qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah, isla markaasna xil sare ka noqda magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here