Home WARARKA CAALAMKA Garsoore Cumar Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Qaaradda Afrika

Garsoore Cumar Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Qaaradda Afrika

8
0

Khamiis 20 Nov 2025 {CBB}Garsoore Cumar Cartan ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay taariikhda ee ku guuleysta abaalmarinta Garsooraha Qaaradda Afrika 2025, iyada oo looga dhawaaqay xafladda CAF Awards ee ka qabsoontay magaalada Rabat ee dalka Morocco.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galeen halyeeyo iyo madax sare oo kubadda cagta Afrika ah ayaa sidoo kale lagu bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin Ciyaaryahanka ugu Fiican gudaha Afrika oo uu qaaday Fiston Mayele iyo Goolhayaha ugu Fiican 2025 oo loo guddoonsiiyay Yassine Bounou.

Sidoo kale kooxda Pyramids FC ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kooxda ugu Fiican Afrika kadib guulo ay gaareen CAF Champions League iyo Super Cup.

Guusha Cumar Cartan ayaa noqotay mid sumcad iyo sharaf u kordhisay Soomaaliya, iyadoo ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u soo dhoweysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here