Khamiis 20 Nov 2025 {CBB}Guddiga doorashooyinka ayaa qabtay kulan looga hadlay diyaar-garowga doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceyso Gobolka Banaadir, gaar ahaan howlaha dhinaca amniga.
Kulanka ayaa loo qabtay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ka shaqeynaya ilaalinta amniga doorashada oo la filayo in ay qabsoonto dhammaadka bishaan.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muuumin, ayaa sheegay in ciidanka Booliisku aanay ku lug lahayn arrimo siyaasadeed, isla markaana dhammaan ururrada siyaasadda u tartamaya Golaha Deegaanka ay u siman yihiin.
“Ciidankeena Booliiska wax shaqo ah siyaasad kuma laha, dhammaan ururada siyaasadda ee u tartamaya Golaha deegaanka waa noo sima yihiin” ayuu yiri Macalin Mahdi
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ugu baaqay askarta in ay si nabad ah uga shaqeeyaan habsami u socda doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu qaban doono degmooyinka gobolka Banaadir.







