Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh “Oo Kahadlay Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Oo Kahadlay Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed”

5
0

Sabti 22, Nov 2025 {CBB} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad muhiim aheyd ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Novembar, taasoo ka dhacday garoonka Ciyaaraha Muqdisho.

Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah u soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay macalinka Soomaaliyeed doorka muhiimka ah oo ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisi mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhameystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macalin, si kor loogu sii qaado tayada Waxbarashada dalka.

“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macalinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaas oo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladdiisa ay ka go’an tahay in la xoojiyo tayada aqoonta, tababarada iyo dhiirigelinta macallimiinta, si Waxbarashada dalka ula jaan qaado kuwa heerarka Caalamiga ah, isagoona u sheegay dhalinyarada inay yihiin hogaamiyeyaasha dalka ee maanta iyo beriba.

Si kastaba ha ahaate Munaasabadda oo ay goob joog ka ahayeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo ardayda qaar ka mid ah dugsiyada Caasimadda, kuwaas oo soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayay weyneynta maalinta macallinka Soomaaliyeed.

Munaasabadda gabagabadii ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la guddoonsiiyay billad sharaf uga timi Bahda Waxbarashada Soomaaliyeed, wuxuuna ku bogaadiyey macalimiinta dadaalkooda joogtada ah iyo adkeysiga ay muujiyeen xiliyadii dalka uu soo marayey duruufaha adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here