Axad 23, Nov 2025 {CBB} Madaxweynihii hore ee Dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa xabsi la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay jebinta Xayiraaddii lagu saaray gurigiisa maadaama uu damcay in uu iska furo qalabka looga xiray awqawgiisa ee sheegaya haddii uu xeendaabka ka baxo.
Bolsanaro oo ah 70 jir ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day afgambi Militari iyo kicinta Shacabka si uu uga horkeenno Dowladda haatan talada haysa balse waala xiray isaga oo lagu hayay goob gaar ah sida wararku sheegayaan.
27 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay, xabsi guri ayaa lagu hayay ilaa markii dambe uu isku dayay in uu iska furo qalabka awqawga uga xiran ee sheegaya haddii uu sameeyo socod ka badan inta loogu talagalay.
Garsooraha Maxkamadda ugu sarreysa ee Dalka Brazil, Alexndre de moraes ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray Jair Bolsonaro uu yahay mid ka dhalatay ficilka isku dayga ah uu sameeyay iyada oo arrintaas loo helay xaqiiqooyin.
Bolsonaro wuu beeniyay eeddaas, waxa uu sheegay in loogu marmarsiyoonayo sidii xabsi loo dhigi lahaa iyada oo laga wareejinayo guriga uu xayirnaa, waxa uu intaas ku daray in aanay suuragal noqon Karin sida la doonayo in loo ciqaabo.







