Home WARARKA MAANTA Dagaal beeleed sababay dhimasho & dhaawac oo maanta ka dhacay Shabeelaha Dhexe

Dagaal beeleed sababay dhimasho & dhaawac oo maanta ka dhacay Shabeelaha Dhexe

6
0

Isniin 24, Nov 2025 {CBB}Dagaal beeleed sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca in ka badan 2 ruux ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Garaash & Moyko oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dagaalkaan oo ka dhashay Dhul-daaqsimeed, muranka oo dheeraaday kaddib waxa uu sababay gacan ka hadal galaaftay nolosha mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.

Ciidan katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxa ay kaashanayaan Odoyaasha dhaqanka labadaan beel si loo helo xabbad-joojin kaddibna looga wada hadlo wixii dhacay iyo qaabka loo xalin karo.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Gobollada Dalka ka dhacayay Dagaallada Beelaha la xiriira oo sababay dhimasho iyo dhaawac, xiisaddaas ayaa sidoo kale abuurtay cabsi ay muujinayaan dadka ka madaxbannaan dhinacyada dagaalamaya.

Maleeshiyaadka hubaysan ee dagaalamaya ayaa loogu baaqay in ay joojiyaan colaadda ka dhex jirta, waxaana dhowaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida kasoo muuqday Dad ku eedeysay in ay gaysteen falal argagax abuuray oo ka dhashay dilalka aanooyinka.

La soco wixii kasoo kordha CBB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here