Isniin 24, Nov 2025 {CBB}Maareeyaha Hay’adda NIRA ee bixisa Aqoonka Qaran, Cabdiweli Timacadde ayaa sheegay in muddada ay Hay’addu jirto ay bixisay kaarar ay qaateen muwaadiniin, halka kuwa kale oo diiwaangashan dhowaan ay heli doonnaan.
Timacadde ayaa sheegay in adeegga kaarka Aqoonsiga Qaran uu waxtar u yeeshay dadka maadaama lagu xiray Waxbarashada & adeegyada kala duwan ee Bulshada, waxa uu carrabka ku dhuftay in sidoo kale dhaqaale badan ay dadka u badbaadiyeen.
Cabdiweli Timacadde ayaa sheegay in qiyaasta lacag ka badan $4.2 Milyan oo doollar in muddo kooban ay dadka u badbaadiyeen sabab la xiriirta in kaarka aqoonsiga qaranka ay ku heleen si bilaash ah ugana maarmeen dukumiintiyo kale oo laga rabo qofka.
“Waxa aan Dadka u badbaadinay muddo yar oo kooban $4.2 Milyan oo uga bixi jiray dukumiintiyo iyo waqtigooda, waxaa hadda diiwaangashay dad malyan kor u dhaafaya, waxa aan u soconaa in aan gaarno 15 Milyan 2029ka, Dad Malyan kor u dhaafaya ayaa hadda is-diiwaangaliyay” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Timacadde.
Gunaanadkii waxa uu Maareeyaha Hay’adda NIRA uu sheegay in aqoonsiga qaranka ay gaarsiinayaan guud ahaan Dalka si dadku uwada helaan aqoonsigaan hadda si bilaash ah loo heli karo fursadna u tahay Dadka sida uu hadalka u dhigay.







