Home WARARKA MAANTA Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddomiyay kulan looga hadlaayo diyaar garowga shirka Isbabalka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddomiyay kulan looga hadlaayo diyaar garowga shirka Isbabalka Cimilada ee ka dhici doona dalka Azerbaijan

33
0

Arbaco 08 August, 2024 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29.

Shirka COP 29, bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyada oo Kulanka diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada.

Ugu dambeyn, Xamsa ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here