Home WARARKA MAANTA Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo Go’aan ka Gaareeysa Kiiskii Dilka Hooyo iyo Saddexdeeda...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo Go’aan ka Gaareeysa Kiiskii Dilka Hooyo iyo Saddexdeeda Gabdhood loo geystay.

8
0

Axad , 30 Nov, 2025 {CBB} Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa maanta markale u fariisanaysa dhageysiga dacwadda racfaanka ee loo haysto rag lagu eedeeyay dilka naxdinta lahaa ee lagu dilay Hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo bishii hore lagu dilay deegaanka Qayib ee gobolkaas.

Eedeysanayaasha oo seddex ah, ayaa horey maxkamad darajo hoose ah ugu xukuntay midkiiba 5 sano iyo 3 sano oo xabsi ah, taasoo dhalisay caro iyo muran xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada, maadaama dad badan ay u arkeen in xukunkaasi uu aad uga hooseeyo dembiga culus ee la galay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta sii wadaysa dhageysiga dooda iyo dib u eegis ku sameyneysa kiiska, si ay u qiimeyso habraacyadii iyo caddaymaha la horgeeyay maxkamaddii hore, iyadoo dhinacyada dacwadda la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan dooda iyo racfaankooda.

Goobta dhageysiga ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana ka qeybgalaya xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan, ehelada dhibanayaasha iyo qoysaska eedeysanayaasha.

Kiiskan ayaa noqday mid ay si dhow ula socdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Galgaduud, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sanadkan la diiwaangeliyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka ayaa la filayaa in ay go’aanka kama dambaysta ah soo saaraan maalmaha soo socda, marka ay dhageystaan dhammaan dooda dhinacyada iyo caddeymaha cusub ee la horgeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here