Sida uu qoray Wargayska Wall Street Journal (WSJ), heshiiskaan waxa uu socon doonnaa mudd 25 sano, Moscow ayaa dhiggeeda Khartoum kusoo jiidatay ballanqaadyo culus oo ay ugu weyn yihiin ka garabsiinta soo afjaridda colaadda dalkaas ka jirta.
Dagaallada sokeeye ee 30 bilood socda ayaa Suudaan ku noqday Caqabad ay ka dhaqaaqi waysay, waxa ay raadisay dhismaha Isbahaysi xooggan oo ay u arko in uu noqon karo marinka ay uga gudbayso siriqda siyaasadeed ee dalalka kala duwan u dhigayaan.
Waxaa heshiiskaan lagu socodsiinaya ciidan isku dhaf ah oo badda ah oo Ruushka iyo Suudaan leeyihiin, Maamulka Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa ka dhex arkay fursad uu ku gaari karo hamigiisa ah in uu guud ahaan Dalkaas qabsan karo.
Suudaan waxa ay safka hore uga jirtaa Dalalka leh Macdanta dabiiciga ah, Dahab badan ayaa ku dhex jira sidoo kalena waxa ay ku taallaa marin muhiim ah waana tan keentay doorashada Ruushka waxa soo dadejiyay sida uu sheegay Wargayska Wall Street Journal.
Saldhigga Ruushka ee Suudaan waa Dekedda u dhow Kanaallka Suways oo ah 12% marinta Ganacsiga ugu badan uu maro gaar ahaan Yurub iyo Aasiya, waxa uu usoo dhawaanayaa Saldhigyada Maraykanka & Shiinaha ee Jabuuti ay ka kala samaysteen 2002 iyo 2017.



