Home WARARKA CAALAMKA Mareykanka oo sheegay in baarayo lacago loo weeciyo AS

Mareykanka oo sheegay in baarayo lacago loo weeciyo AS

0
4

Talaado, 2 Dec, 2025 {CBB} Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu socdo baaritaan ku saabsan eedeymo culus oo la xiriira in lacago canshuureed oo laga ururiyo gobolka Minnesota loo weeciyay kooxda as ee Soomaaliya.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa sheegay in baaritaanku weli socda, isla markaana natiijooyinka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo.

Talaabadan ayaa imaneysa xilli madaxweynaha Mareykanka uu Minnesota ku tilmaamay “xarun dhaqaalaha sharci darrada ah iyo lacag dhaqidda”, halka xildhibaanno ka tirsan Jamhuuriga ay warbaahinta u gudbiyeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in shabakado maaliyadeed oo khiyaano ah ay as u horseedeen dhaqaale.

Badhasaabka Minnesota, Tim Walz, oo wareysi bixiyay Axaddii, ayaa qirtay in gobolkaasi uu soo jiito dambiilayaal maaliyadeed, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dambiga lagu helo la horgeynayo maxkamad.

Dhanka kale, waaxda hantida dibadda ee Wasaaradda Lacagta Mareykanka ayaa hore u xayirtay bishii March 2024 shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay dhaqaale u ururiyaan al-Shabaab, kuwaas oo xarumahoodu ku yaallay Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus.

Shabakaddan ayaa loo aaneynayaa inay taageero dhaqaale siiyeen as oo xiriir la leh al-Qaacida, isla markaana ka dambeysay weerarro badan oo ka dhacay Bariga Afrika.

Sida laga soo xigtay waaxda Maaliyadda Mareykanka, al-Shabaab ayaa sanadkii urursada in ka badan $100 milyan, iyagoo lacagahaas ka soo qaada ganacsatada iyo shacabka ku nool deegaannada ay maamulaan, ka hor inta aysan u gudbin kooxaha al-Qaacida ee ay xiriirka la leeyihiin.

Mareykanka ayaa sheegay inuu la shaqeynayo dowladda Soomaaliya iyo dalalka gobolka si loo wiiqo awoodda dhaqaale ee al-Shabaab, loona burburiyo shabakadaha maalgelinta argagixisada ee taageera.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here