Home WARARKA MAANTA Masar Oo lagu eedeeyay in ay burburineeyso Dalal Africa ku yaala.

Masar Oo lagu eedeeyay in ay burburineeyso Dalal Africa ku yaala.

1
0

Khamiis, 4 Dec 2025 {CBB} Dolwadda Itoobiya ayaa ugu baaqday Masar inay joojiso dadaalka ay ku doonayso “inay ku abuurto dalal daciif ah oo nugul” gudaha Koonfurta Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Masar inay isku dayayso inay wiiqdo dalalka Koonfur Afrika.

Hadallada Itoobiya ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badir Cabdalla, uu sheegay inuusan sii wadeyn wada-hadallada Itoobiya ee ku saabsan biyo-xireenka Niil.

“Waxaan isku daynay 13 sano laakiin kama aanan miro dhalin,” ayuu wasiirka Arrimaha Dibadda Masa u sheegay BBC Focus on Africa.

“Hal sano ayaa laga joogaa markii aan joojinay wadahadallada anagoo wax natiijo ah gaarin,” ayuu yiri.

“Waxaan Itoobiya aan la doonaynay inaan gaarno heshiis ku salaysan wada-shaqayn laba geesood ah.

“Laakiin Itoobiya waxay biyo-xireenka u dhistay si gooni ah oo ay iyadu kaligeed go’aansatay. Tani sharci ma aha. Waxay ka hor imanaysaa sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here