Khamiis, 4 Dec 2025 {CBB}Madaxweyne Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u safro dalka Qadar, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.
Sida qorshaha yahay Madaxweynaha ayaa goobjoog noqon doona madasha Dooxa Forum oo qabsoomeysa inta u dhaxeysa 6 ilaa 7 bishaan December.
Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad looga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka laga gaarey arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Sidoo kale, madaxweyanaha inta uu ku sugan yahay Qadar, wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda sare ee dalkaasi sida Amiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee ka kala imaanaya caalamka.
Kulamadaasi ayaa looga hadli doona arrimo la xiriira Soomaaliya gaar ahan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dalkeena la leeyahay Qadar.
Madasha Dooxa Forum ayaa ah mid sannadle ah waxaana lagu falanqeeya diblumaasiyadda iyo wada hadallada la xiriira nabadda caalamka.







