Sabtii 06, Dec 2025 {CBB}War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay howlgal si wadajir ah ay u sameeyeen ciidamada Xoogga oo kaashanaya Macawiisleyda kana dhacay Deegaanka Cooswayne ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay in lagu dilay xubno katirsan ‘AS’
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan uu ahaa mid qorshaysan, waxaana lagu dilay xubno katirsan ‘AS’ kaddib markii iska hor imaad uu dhexmaray ciidankaas iskaashanaya xubnihii la weeraray.
Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorshaysan oo lagu beegsaday goobo sahan iyo xuuraansi ay ku sameeyeen kahor inta aanay duullaanka qaadin sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa ay soo bandhigeen Sawirro lagu sheegay in ay yihiin goobihii lagu weeraray ‘AS’ waxaana saraakiisha ciidanka Federaalka iyo kuwa Deegaanka ah ee Macawiisleydu ay tilmaameen in ujeedka howlgalkaas la gaaray.
Deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socda abaabulka howlgallo ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado Magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin, waxaa intaas dheer weerarro cirka ah.







