Sabtii 06, Dec 2025 {CBB}Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xarrig jaray Buundada Sabiid-Caanoole Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay.
Wasiirrada Gaashaandhigga & Arrimaha Gudaha oo ay wehliyaan saraakiil ka kala tirsan ciidanka Xoogga Dalka, Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo mas’uuliyiin ka socota Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimadda buundadaan.
Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Difaaca XFS ayaa madasha ka sheegay in farxad iyo guul ay tahay in dib loo dhisay Buundadaan oo muhiim u ah isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isla markaana ay qarxiyeen ‘AS, waxa uu ku baaqay in laga hortago wax weliba oo dhibaato ku ah.
“Walaalahayn Turkiga ayaa qayb ka ahaa dib u dhiska Buundada iyaga oo qayb ka ah howlgalka, Buundada Sabiid-Caanoole waxa ay muhiim u tahay isu socodka Dadka Beeralayda ah ee halkaan ku nool” Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisinta XFS, Cali Xoosh ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Turkiga in ay u taagan tahay garab istaaggta Soomaaliya si ‘AS’ looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin & dib u dhiska goobaha burbura.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar ayaa tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka ay u diyaarsan yihiin sidii ‘AS’ looga saari lahaa deegaannada ay joogaan iyo adkaynta amniga Magaalooyinka gacantooda soo galay.
Buundada Sabiid-Caanoole waxa ay kamid tahay Buundooyin ku yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose, Isticmaalkooda waxa uu muhiim u yahay magaalooyinka uu maro Webiga Shabeelle, si joogta ah waxaa isaga kala gudba Gaadiid, Dad iyo Xoolaha deegaannadaas lagu dhaqdo.







