Home WARARKA MAANTA Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo Somaliland ugu baaqday in ay dhagaysato Shacabka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo Somaliland ugu baaqday in ay dhagaysato Shacabka Boorama

1
0

Sabtii 06, Dec 2025 {CBB}War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Boorama ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu horrayn u tacsiyaysay ehelka dadka dhintay, dadka dhaawacmay ayay Caafimaad u rajaysay, waxa ay Somaliland ugu baaqday in ay dhagaysato Dadkaas dibadbaxaya oo aanay awood u adeegsan.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay qalalaasaha rabshada wata ee ka dhacay Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Boorama. Dawladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelada Dadkii halkaas ku geeryooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajeyneysaa muwaadiniinta ku dhaawaemay, Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Wasaaraddu waxa ay sidoo kale sheegtay in xalka keliya uu ku jiro in Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo la hadasho Dadka, Salaadiinta dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada & Guud ahaan Shacabka Awdal oo u istaaga xalka in si wadajir ah loo raadiyo.

“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay uturaan Shacabka deegaanka, in la dhagaysto lana ixtiraamo dareenkooda isla markaana si ma’suuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya,” ayaa lasii raaciyay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS.

“Dawladdu sidoo kale waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan daganaan, lana joojiyo ficilada waxyeelaynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan” ayaa la sii raaciyay Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Gunaanadkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay sheegtay in Dawladda Federalka ah ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakulaynta Dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin sida hadalka loo dhigay.

Tiro sugan lagama hayo dadka dhintay, waxaa jira warar sheegaya in dadkaas geeriyooday ay kor u dhaafayaan 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaa socda dedaallo lagu soo afjarayo xiisaddaas iyo dibadbaxyada rabshadaha watay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here