Home WARARKA CAALAMKA Senator Jim Abeler oo Donald Trump kula taliyay in uu la kulmo...

Senator Jim Abeler oo Donald Trump kula taliyay in uu la kulmo Bulshada Soomaalida ah

1
0

Sabtii 06, Dec 2025 {CBB}Senator Jim Abeler oo katirsan Xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto Gobolka Minnesota ayaa warqad uu uga falceliyay tallaabooyinka iyo hadallada adag ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u adeegsanayo Bulshada Soomaalida u diray hoggaamiyaas.

Jim oo lagu xusuusto in sidaan oo kale warqad u qoray Madaxweynihii hore ee dalkaas Ronald Reagan ayaa rajo ka muujiyay in uu Donald Trump ka aqbalo codsigiisa la xiriira xalka lagu damin karo xiisadda Madaxweynaha Maraykanka & Bulshada Soomaalida ah.

Waxa uu ammaan kala dul-dhacay Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool gaar ahaan Gobolka uu kasoo jeedo ee Minneosta, waxa uu ku sifeeyay in ay yihiin Dad wanaagsan oo si xushmad ku dheehan tahay ula dhaqma Bulshada kale.

Qoraalka Donald Trump uu u diray ayuu u raaciyay in jawaabtii uu ka helay Madaxweynihii 40aad ee Maraykanka uu ka dhigay Aqalka Senate-ka iyo xafiiskiisa, sidoo kale uu rajaynayo in warcelinta Madaxweynaha hadda jooga uu sidaas oo kale ugu dhejin doonno.

Soomaalida ayuu ku tilmaamay in ay isugu jirto Ganacsato, Darawallo, Shaqaale, Dad taageera ama caawiya qoysaskooda, Maalgeliyaal, Kalkaaliyaal, Arday & Culimo, isaga oo miisaankaasina ku sheegay in mid muujinaya dhaqan wanaagsan oo ku suntay Bulsho dhibkoodu yar yahay.

Waxa uu intaas ku daray intaas ay kahor imaanayaan hadalkii Madaxweynaha Maraykanka ee ahaa in ay yihiin Qashin, Burcad & ereyo kale oo miisaankooda leh, waxaana Senator Jim Abeler uu ku baaqay in ay wadahadlaan Trump & Bulshada Soomaalida.

“Badi Soomaalida waa dad sharci ku jooga Marayakanka, waa Bulsho wanaagsan, la kulan qaar kamid ah Soomaalida oo ishaada ku arag sida ay qayb uga yihiin Nolosha Minnesota, Marnaba ha ugu yeerin qashin waayo ma jiro dad kala derajo sarreeyo marka la eego dhinaca Nolosha” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Senator Jim Abeler.

Donald Trump oo xafiiskiisa lagu simay warqadda ayaa laga sugayaa jawaabta uu ka bixiyo, tani waxa ay muujinaysaa in Bulshada Maraykanka asal ahaan kasoo jeedda in ay garab istaag u muujiyeen Soomaalida oo culays xooggan la saaray maalmihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here