Home WARARKA CAALAMKA RSF oo lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu dilay 33...

RSF oo lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu dilay 33 Carruur

2
0

Axad 07, Dec 2025 {CBB}Kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF ayaa lagu eedeeyay duqayn lagu beegsaday xannaano wax lagu baro Carruurta oo ku taalla Magaalada Kalogi ee Gobolka Kordufaan ee horay loo oran jiray Bartamaha Suudaan, waxaa ku dhimatay weerarkaas 50 qof oo 33 kamid ah ay yihiin Carruur.

Ilo kala duwan ayaa ku warramay in weerarkaan loo adeegsaday Diyaaradaha nooca duulliye la’aanta ah ee Drones-ka loo yaqaan, waxaana mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira Hay’adaha ka shaqeeya dhinaca Caafimaadka iyo xuquuqul-Insaanka ay ku tilmaameen in uu si kas ah u dhacay.

RSF oo garab ka heleysa Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxaa horay bar madow ku noqday beegsigii tooska ahaa ee sarkaalka katirsan kooxdaan uu toogasho wadareedka ugu gaystay dad rayid ah oo ku sugnaa Magaalada Al-Faashir, inkasta oo ay xirtay sarkaalkaas balse weli cambaarayntu kama harin.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in tacadiyo waa wayn ay ka dhaceen Dalka Suudaan laga soo billaabo April 2023 oo ku beegan markii uu dagaalka tooska ah dhexmaray ciidamadii sida wadajirka ah uwada howlgalayay laakiin la kala saftay labada Janan ee xukunka isku qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here