Axad 07, Dec 2025 {CBB}Gobolka Jubada Hoose waxaa deegaanno katirsan ka billowday barakaca ay samaysanayaan Dadka Xoolo dhaqatada ah kaddib markii ay saamayn taban ku reebtay Abaar si ay u raadsadaan dhulka ay ku dhacday dhibicda roobka.
Qaar kamid ah qoysaska ka baracay deegaannadooda ayaa sheegay in ay u xirxirteen deegaannada ay ka heli karaan Biyaha, Daaqa xoolahooda iyo cunnadii ay cuni lahaayeen maadaama abaartu ay saamaysay.
Magaalooyinka qaar Gobolka Jubada Hoose waxaa laga oogay salaad roobdoon ah, maamullada Degmooyinkaas, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxa ay soo jeediyeen in la caawiyo dadka dantayar.
Todobaadyada soo socda haddii aan roob u da’in waxa ay dadkaan sheegeen in xaaladdu sii adkaan karto mar haddii dhulkii doogga lahaa uu sii qalalayo sidoo kalena biyihii ay cabayeen ay sii gurayaan maadaama ceelasha biyaha laga doono ay ka fog yihiin.







