Axad 07, Dec 2025 {CBB}War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay la tacaalayso cudurka Gowrcatada oo laga helay in ka badan 1,000 Carruur sida lagu xusay Bayaanka.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Carruurta u dhimatay ay kor u dhaafayso 50 kuwaas oo da’doodu u dhaxeyso 5 jir ilaa 15 sano, waxa ay soo gudbisay talooyin la xiriira wacyigelinta Bulshada si looga hortago cudurkaan.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in bartama Bishaan waa 15ka December 2025 in ay billaabi doonto olole lagu tallaalayo carruurta si looga hortago faafitaanka cudurka Gowracatada sida hadalka loo dhigay.
“Sanadkan, Wasaaraddu waxay la tacaalaysay cudurka Gowracatada, waxaana ilaa hadda cudurkan uu ku dhacay in ka badan 1,000 carruur ah, halka ay u geeriyoodeen in ka badan 50 carruur ah. Da’da ugu badan ee uu cudurku saameeyay waxay u dhaxaysaa 5 ilaa 15 sano” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS.







