Home WARARKA MAANTA Duqa Boorama “Bannaabaxyada waxaa huwan siyaasad kale oo ka weyn Buugga Xeer...

Duqa Boorama “Bannaabaxyada waxaa huwan siyaasad kale oo ka weyn Buugga Xeer Ciise”

2
0

Axad 07, Dec 2025 {CBB}Duqa Magaalada Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in dibadbaxyada Magaaladaas ay yihiin kuwo siyaasadeed, waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in ciidamo katirsan Midowga Afrika la geeyo Gobolka Awdalk sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in aanay Rabshadaha ka socda Magaalada Boorama dan u ahayn Bulshada maadaama ay sii kala foganayaan iyaga & Ciidamada, waxa uu soo jeediyay in la saxo khaladaadkii dhacay si xaaladdu usoo xasisho.

Ciidamada dadka tooganaya ee kordhiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayuu sheegay Duqa Magaalada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim in ay xaaladda sii hurinayaan loona baahan yahay in laga dulqaado meelaha ay joogaan.

Boobka Hantida Danta guud ah iyo tan gaarka ah ayuu sheegay in aanay wanaagsanayn maadaama Salaadiinta dhaqanka ay ku howlan yihiin xal ka gaarista dhibaatada ka dhalatay rabshadaha galay maalintii 4aad oo xiriir ah.

“Ciidan AMISOM ayaa naloo soo wadaa, bannaabaxyada waxaa huwan siyaasad kale oo weyn buugga xeer ciise, ciidamada dadka tooganaya waxa aan leeyahay ina adeerayaal saas ka daaya, waa in la dhagaystaa salaadiinta yada” ayuu yiri, Duqa Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim.

Toogasho maanta ka dhacday Magaalada Boorama waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay 1 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 3 kale oo la geeyay goobaha Caafimaadka, kaddib markii dadkaas ay diideen in lacag laga bixiyo Bangiga Boorama si loogu qaado dhinaca Hargaysa sida wararku sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here