Home WARARKA MAANTA Wasiir Aadan Ducaale “Trump waa nin iska dhib badan oo aan hadalladiisa...

Wasiir Aadan Ducaale “Trump waa nin iska dhib badan oo aan hadalladiisa ka fiirsan”

2
0

Isniin 08, Dec 2025 {CBB}Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ka falceliyay eedaha & aflagaalada aan dhammaadka lahayn ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u jeediyay Soomaalida maalmihii lasoo dhaafay.

Aadan Barre Ducaale waxa uu intaas ku daray in uu Trump yahay nin aan ka fiirsan hadalladiisa meelaha qaarna uu ku raacsan yahay halka qaar kalena uu ku diidan yahay Madaxweynaha Maraykanka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Aadan Barre ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay qani tahay oo haysato macdan dabiici ah balse duruufaha dhinaca amniga ay kahor taagan yihiin, Madaxda Soomaalida ayuu u soo jeediyay in ay dib isugu laabtaan si dalka loo geeyo meel sare.

“Trump & Soomaali waxa ka dhaxeeya waad maqlayseen, wax badan waan ku raacsanahay, sidoo kalena wax badan waan ku diidanahay, waa nin iska dhib badan oo luuqaddiisa ka fiirsan, kuwa Wasiirradiisa ah ayaa u dhowaan la’ Trump, Madaxda I dhagaysanaysa waa in ay dib isugu laabtaan” Sidaasi waxaa yiri Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here