Home WARARKA MAANTA Taliyaha Booliiska Puntland oo sheegay in Hay’adaha ammaanka burburiyeen Xarumo Daacish leedahay

Taliyaha Booliiska Puntland oo sheegay in Hay’adaha ammaanka burburiyeen Xarumo Daacish leedahay

2
0

Isniin 08, Dec 2025 {CBB}Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland Janaraal Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in hay’ada ammaanka ay burburiyeen in ka badan boqol xarumood oo ay leedahay Kooxda Daacish sida uu hadalka u dhigay.

Janaraal Muumin ayaa tilmaamay in howlgalkaan ‘Hilaac’ uu isku xiray ciidamada kala duwan ee Dowlad-Goboleedka Puntland oo ka howlgalay dhul-baaxad weyn maadama ku dhowaad 6 bil la diyaarinayay howlgalkaas sida uu xusay.

Hay’adaha amniga ayuu shaaciyay in Magaalooyinka iyo deegaannada kale ay ka wadaan howlgallo joogto ah oo lagu beegsanayo Dadka katirsan iyo kuwa la shaqeeya Kooxda Daacish ee xooggeeda ku sugan dhul-buuralayda ah ee Gobolka Bari.

“Boqol & dheeraad xarumood oo Daacish lahayd ayaa lagu burburiyay howlgalka Hilaac, xaruntii ugu khatarta badnayd ee Kiimikada & Teknoolajiyadda ayaa la beegsaday, Dadka reer Puntland waxaa ka yaraatay cabsidii oo dhaqaalaha ayaa u badbaaday” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xoogga saartay howlgalka Hilaac ee ka dhanka ah Daacish, waxaa loo gudbay wajigiisa saddexaad, labadii qayb ee hore waxa ay guullo ka sheegatay dagaalladii ay la gashay Kooxdaas oo ay uga qabsatay dhul baaxad weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here