Isniin 08, Dec 2025 {CBB}Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha Gobolka Awdal ee sababay dhimashada iyo dhaawaca inkasta oo maanta xaaladdu degen tahay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirguddoomiyay kulankooda Maanta ayaa ugu horrayn furitaanka ka gudbiyay fariintaan uu la wadaagay reer Boorama.
Abshirow ayaa soo jeediyay in is faham iyo is dhagaysi lagu xaliyo xiisadda Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxa uu ku baaqay in la garab istaago dadka dhaawaca ah iyo kuwa ehelkooda ku dhintay rabshadahaas.
Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay soo jeedin uga timid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriirta wax ka baddelka uu ku sameeyay Sharciga Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed.
Kulanka oo ay xaadireen 145 Mudane, waxaa wax ka baddelka Madaxweynaha taageeray 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday halka ay ka aamuseen 4 sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Hindise sharciyeedkaan ayaa u gudbaya Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo gudbiyo qodobada kasoo gudba Golaha Shacabka, marka uu dhankooda ka dhammaado waxa uu dib ugu laaban doonnaa Madaxweynaha JFS oo faafinta rasmiga ah lagu soosaari doonno.







