Home WARARKA MAANTA Baarlamaanka Puntland oo la hordhigay qaraar ku saabsan in uu Khaadka ka...

Baarlamaanka Puntland oo la hordhigay qaraar ku saabsan in uu Khaadka ka mamnuuco deegaannada maamulkaas

1
0

Talaado, 9 Dec 2025 {CBB}Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo jeediyay in la joojiyo Khaadka oo ay ku sheegeen in uu dhibaato wayn ku yahay amniga, dhaqaalaha & waxqabadka Bulshada sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in ku dhowaad nus Bilyan Doolllar in guud ahaan Soomaaliya ay uga baxdo Khaadka, Puntland ayay si gaar ah u tilmaameen in uu dhibaato xooggan oo dhaqaale burburis ah ku hayo sida ay bayaankooda ku caddeeyeen.

“Khaadka Dhibaato wayn ayuu ku hayaa Bulshadeenna, Tahriibka ma joogsanayo ilaa inta wax laga qabanayo dhibaatooyinka dhaqaalaha oo khaadka uu qayb ka yahay, mas’uuliyad ayaa ka baarlamaan ahaan naga saaran, dalalka horumaray waa mamnuuc” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac ( Kuluc).

Xildhibaanku waxa uu tusaale u soo qaatay Dalal kala duwan sida Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwo kale oo dalkooda ka mamnuucay Khaadka si loo xakameeyo duruufaha dhinaca dhaqaalaha ah ee soo wajihi kara.

“Maraykanka 25 sano kahor ayuu mamnuucay, Ingiriiska, Dalal kale oo Yurub iyo kuwo kale oo Carabta ah lagama cunno, halka dal ee carbeed ee laga cuno waa Yemen oo isna burbursan, dhaqaalaha ugu badan ee dadka maalayacniga uga baxa Khaadka ayaa kamid ah, waxa uu dhibaato ku yahay Dhaqaalaheenna, Caafimaadkeenna & aqlaaqdeenna” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Kuluc.

Doodo la xiriira qorshaha lagu joojinayo khaadka ayaa ka billowday deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaa ku kala aragti duwan go’aanka laga qaadan karo dhinacyada labada daraf ka kala jooga arrintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here