Talaado, 9 Dec 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin tirakoobka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka lagu dhigo oo intooda badan ku yaalla goobo aan munaasab ku ahayn.
Roobow ayaa sheegay in ujeedka tirakoobka uu yahay hubinta duruufaha si miisaaniyadda Wasaaradda oo mas’uul ka ah loogu daro waxna looga qabto cabashooyinka laga muujinayo meelaha ay ku yaallaan sida uu hadalka u dhigay.
“Wasaaraddu waxa ay waddaa tirakoobka Dugsiyada Qur’aanka oo runtii xitaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shirkii culimada ka sheegay in ay ku yaallaan goobo aan munaasab ahayn, waxa la hubin doonnaa Macallimiinta & xaalkooda sida uu iska yahay, Miisaaniyad hadda kahor lama helin, wixii dowladda tabarteeda ah ayay ka gaysan doontaa” Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Wasiir Abuu Mansuur ayaa waalidiinta ku eedeeyay in ay kala darajeynayaan Ardayda dhigata Dugsiyada Qur’aanka Kariimka iyo Iskuullada marka laga eego dhinaca labista iyo hubinta dharkooda, si Ardaygu loo tusiyo qiimaha uu dugsigu u leeyahay sida uu yiri.
“Guud ahaan Dadkeenna ayaa Dugsiyada Qur’aanka sidaas yeellay, tusaale marka uu Ardayda Dugsigu aadayo in la dhaho Shaatigaan qad ayaa kaaga soo hallaabayso ee iska dhig, kan Iskuulka aadanaya dharka loo feereeyo, waxa aan rabnaa in Ilmaha lagu beero qur’aanka iyo qiimihiisa loona soo labisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Roobow.







