Sabtii 10 August, 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku dhawaaqay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ uu ka billaabanayo Galbeedka Dowlad-Goboleedkaas oo weli ka maqan gacanta Maamulkiisa.
Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad soo dhaweyn ah uu u sameeyay Golaha Deegaanka ee Degmada Jowhar Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxa uu ku faah-faahiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda.
“Waa in aan isugu tagno Galbeedka Hirshabeelle si aan Khawaarijta uga xorreyno, Nabadgalyada aan kusoo aragnay dhinaca bari waa in aan geynaa Webiga Galbeedkiisa, in ‘AS’ Joogan Hir-Shabeelle nabad noqon mayso” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in abaabulka socda ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ uu yahay mid guud ahaan u mideysan Bulshada & Maamulka si deegaannada weli ay ka joogaan looga qabsado loona gaarsiiyo adeegyada Bulshadu u baahan tahay sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa safar shaqo ku maray Warsheekh, Raagge-Ceelle, Cadalle, Masaajid Cali Gaduud, Al-Kowsar, Aadan-Yabaal, Moqokori, Tardo, Jalalqsi, Ceel-Baraf, Biyo-Cadde, Mahadaay & Deegaanno kale.