Axad 11 August, 2024 {CBB}Dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxay waddaa dadaalo ku aadan sidii ay dhamaan goboladeeda looga qaadi lahaa isbaarooyinka yaalaan banaanka iyo gudaha degmmyinkaasi kuwaasi oo lagu dhibaateeyo dadka iyo gaadiidka ku safra.
Wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamulka KGS Mudane Xasan Cabdukaadir Maxamed oo safaro ku maraya degmooyinka KG ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’on tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka yimaada dhigasha isbaarooyinka si nabad loogu safaro wadooyinkaasi.
Wasiirka oo hadda ku sugan degmada Walanweyn oo lahadlaayay Warbaahinta qaran ayaa sheegay qaadista isbaarooyinka qaarkood lagu guleystay in la qaado kuwo kalena hadda ay ku tala jiraan.
“Hadda waxaan ku guuleysanay in aan gaadiid badan oo ku xayirnaa gobolka Sh/ hoose oo lacag badan lagu soo rugay inaan fasaxno, lakiin maleeshiyaadkii dhigtay weli way joogaan arrimahoodana waan ku gudi jirnaa sidaan xal uga gaari laheyn”
Wasiir Xasan ayaa sheegay in dhawaan ay soo gaba gabayn doonaan howlgalkaan isbaaro gaadista ah ay ka wadaan gobolka Sh/ hoose ayagoo kaashanaayo ciidamada kala duwan si ay Bulshada u daremaan nabad iyo deganaansho.