Axad 11 August, 2024 {CBB}Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin Ayaa manta ka Qeyb Shir looga hadlayey diyaarinta sharciga ka hortaga leexsiga Kaalmada kuwooda loogu tala galay dadka danta yar.
Shirkan oo lagu qabtey Xaruunta Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo Ayaa waxaa ka Soo qeybgaley Wasiirka Gergaarka ,Wasiirka Howlaha Guud DKG ,Qeybaha kala duban ee Bulshada iyo Masuuliyiin kale
Shirkan inta uu socdey Ayaa Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ka Hadley Muuhiimada ay leedahay in la hello sharci loogu hortagi karo wax ka qabashada iyo ka hortaga leexsiga Kaalmada loogu talagaley Bulshada soomaliyeed wuxuna Bulshada ka cod sadey in ay fikradooda ka dhiibtaan si ay talo ugu lahaadaan sharcigaan.