Axad 11 August, 2024 {CBB}Waaxda Fayadhoorka Degmada Barawe ee Caasimadda dowladda Koonfur-galbeed oo gudanayaan waajibaadkooda shaqo ayaa gacanta ku soo dhigay badeecooyinka kala duwan oo waqtigooda dhacay oo lagu iibinayay qaar kamid ah Dukaamada iyo Goobo kale ee Ganacsi ka dib Baaritaan ay Maalmihii udambeeyay wadeen maamulka Degmada gaar ahaan waxda fayadhowrka.
Alaabahan oo iskugu jira Nuucya kala duwan sida cabitaano buskud iyo dawooyin ayaa lagu gubay goob Fagaara Ah ,waxaana Goobjoog Ka Ahaa Masuuliyiinta Degmada oo ugu horeeyo Gudomiyaha Degmada Barawe , Taliyaha booilksa gaarka ah Ahna Kusimaha Taliyaha Saldhiga booliska iyo Mas’uuliyiin kale.
Maamulka ayaa baaq u diray ganacsatada degmada iyo kuwa kale ee keena badeecooyinka kala duwan in ay Bulshada ka ilaaliyaan in ay u keenaan waxyaabaha dhacay kuwaasi oo halisku ku ah caafiimaadkooda.