Home CIYAARAHA Gary Neville Oo Digniin Culus U Diray Arsenal Kadib Guushii Nasiibka Ahayd...

Gary Neville Oo Digniin Culus U Diray Arsenal Kadib Guushii Nasiibka Ahayd Ee Ay Ka Gaareen Wolves

30
0

Neville ayaa sheegay in Gunners ay u baahan yihiin inay “hurdada ka toosaan”, haddii kale horyaalku uu ka sii fogaan doono ka hor inta aysan garan waxa dhacaya.

Bukayo Saka ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay kulankii Wolves kaddib kubbad koorno ah oo uu goolhaye Sam Johnstone si khalad ah shabaqa ugu leexiyay, iyadoo 20 daqiiqo ay ka harsanayd ciyaarta.

Tolu Arokodare ayaa Wolves u barbareeyay daqiiqaddii 90-aad, kaddib kubbad uu soo dhiibay Mateus Mane.

Si kastaba ha ahaatee, Yerson Mosquera ayaa dhaliyay gool iskiis ah, taasoo sii dheeraysay taxanaha liita ee Wolves isla markaana Arsenal u xaqiijisay hoggaanka.

Manchester City ayaa mar kale yareysay farqiga kala dhexeeya Arsenal ilaa laba dhibcood, kaddib guul weyn oo 3-0 ah oo ay Axaddii ka gaareen Crystal Palace.

Neville ayaa aaminsan in kooxda Mikel Arteta ay xaq u lahayd in la “canbaareeyo” maadaama uu nasiibku badbaadiyay.

“Haddii aad sidaas u ciyaartaan marar badan, horyaalkan ma ku guuleysan doontaan,” ayuu Neville u sheegay NBC Sports.

“Waa wax yar oo labada dhinac ah, balse haddii aan anigu qolka labiska joogi lahaa, waan is-canaanan lahaa anigoo oran lahaa: ‘War aan sidaan isu dhaanno, kaalaya! Haddii aan heerkan ku sii ciyaarno, khatar ayaan ku jirnaa.’

“Waxaa jiray hoos u dhac yar oo ku yimid waxqabadka Arsenal.

“Laakiin waxay ahayd mid aad muhiim u ah inay helaan saddexda dhibcood, taasina waa lama huraan.”

Arsenal ayaa hoggaaminaysa tartanka horyaalka Premier League iyadoo leh 36 dhibcood, waxaana ku xiga Manchester City oo leh 34 dhibcood, halka Aston Villa ay ku jirto kaalinta saddexaad iyagoo leh 33 dhibcood; shan dhibcood ayay ka sarreeysaa Chelsea oo ku jirta kaalinta afaraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here