Tababaraha Manchester United, Rúben Amorim, ayaa iska fogeeyay dhaliilaha uga imanaya ciyaartoydii hore ee kooxda, isaga oo sheegay in aanay cadaalad ahayn in “heerarka” kooxdiisa lala barbar dhigo kooxihii hore ee mar walba guuleysan jiray.
Red Devils-ku waxay u ekaayeen kuwo jihada saxda ah galay kaddib markii ay bishii Oktoobar ku guuleysteen saddex kulan oo Premier League ah oo ay ka badiyeen Sunderland, Liverpool iyo Brighton.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa guul gaartay laba kulan oo kaliya lixdii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka Ingiriiska, taas oo ahayd natiijo aad u niyad jab leh, kuna jirtay guuldarro xanuun badan oo 1–0 ah oo ay gurigooda kaga badiyeen Everton oo 10 ciyaaryahan ku dhammeysatay ciyaarta.
Hase yeeshee, waxaa jiray calaamado dhiirrigelin leh kulankii ugu dambeeyay, markaas oo United ay 4–1 si weyn ugu garaaceen Wolves garoonka Molineux. Bruno Fernandes ayaa laba gool dhaliyay, halka Bryan Mbeumo iyo Mason Mount ay sidoo kale shabaqa soo taabteen.
Inkasta oo guushaas ay aamusiisay qaar ka mid ah dhaliil-jeediye yaashii codka dheeraa toddobaadkii hore, haddana Paul Scholes weli si buuxda uguma qancin qaab ciyaareedka kooxdiisii hore.
Amorim ayaa wax laga waydiiyay su’aalaha ay keeneen dadka sida Scholes oo kale ah, xilli uu la hadlayay saxaafadda ka hor kulanka United ay la ciyaarayso Bournemouth.
Sida uu sheegay Amorim, hadallada noocaas ah waa “wax caadi ah”, marka loo eego weynaanta kooxda iyo xaqiiqda ah in kooxdiisu aysan mar walba guuleysan sida ay ahaan jirtay waagii Sir Alex Ferguson.
“Waxaan u maleynayaa inay caadi tahay. Waa xaqiiqo ah aniga oo ah tababaraha Manchester United inaan dareemayo inaanan gaarin heerkii la rabay,” ayuu yiri.
“Maadaama aan helin dhibcihii la filayay, gaar ahaan xilli ciyaareedkan, sidaas darteed si dabiici ah ayaan u aqbalayaa dhaliisha.”







