Isniin 15, Dec 2025 {CBB}Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la sheegay in uu aqbalay soo jeedintii ka timid Ruushka oo ahayd in uusan dalkaan ku biirin Isbahaysiga NATO oo arrintaas darteed horay ugu weerartay Xukuumadda Moscow.
Volodymyr Zelensky oo u muuqda in uu bisayl siyaasadeed muujinayo ayaa ugu dambayn ka tanaasulay in dalkiisa uu ku biiro Isbahaysiga NATO, waxa uu ku xiray haddii la helayo heshiis nabadeed oo damaanad qaadanaya in aanay Ruushka weerareen Waddankiisa.
Zelensky oo Magaalada Berlin ee xarunta Jarmalka kula kulmay ergayga gaarka ah ee Maraykanka laguna magacaabo Steve Witkoff & Jared Kushner oo uu sodoh u yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Ukraine ayaa midmid uga tanaasulaysa qodobadii shuruudda uu ka dhigay Ruushka si loo soo afjaro colaadda dalkaas kala dhaxeysa, waxa uu horay Zelensky ku aqbalay in qayb kamid ah dulkiisa uu ka tanaasulo, halka markaan uu maskaxdiisa ka bixinayo ku biirista NATO.
Dalalka Yurub ayaa intooda badan waxa ay kasoo horjeedaan damaca Donald Trump ee la xiriira in Kala doorashada Nabadda dalkaas iyo ka tanaasulka waxyaabo badan oo Mustaqbalka dalkaas taabanaya ay yihiin awood u sheegasho ka dhan ah Kyiv.







