Isniin 15, Dec 2025 {CBB}Ururka Midowga Yurub ayaa la sheegay in uu dhowaan ka shiri doonno dhaqaalaha uu ururkaas ku bixinaya taageerrada uu u baahan yahay howlgalka Midowga Afrika ee fasaxa ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee AUSSOM.
Horraanta sanadka soo socda 2026, waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu yeesho Ururka Midowga Yurub, waxaa lagu lafa-gurayaa dhaqaalihii shantii sanno lasoo dhaafay lagu bixiyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kan cusub waxa uu noqon doonno.
Wargayska lagu magacaabo The East African in Brussels oo fadhigiisu yahay Xarunta Midowga Yurub oo soo xigtay ilo kala duwan ayaa sheegay in marka hore la dhagaysan doonno soo jeedinta oo ugu dambayn loo codayn doonno sida hadalka loo dhigay.
Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo wajahaya xaalado dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhowaan codsaday in la kordhiyo kaalmada la siiyo ciidamada ku howlgalka magaca AU-da ee jooga Soomaaliya si loo gaaro hadafkii ay dalka u galeen.
Qaramada Midoobay oo markii hore bixinaysay miisaaniyadda Ciidankaan 75% ayaa miisaaniyadda 5tii sano ee AUSSOM ku bixisay lacag lagu qiyaasay $832.5 Milyan oo doollar, waxa uu Golaha ammaanka dalbaday in laga caawiyo lacagtaas iyo tan kale ee loo baahan yahay.







