Home WARARKA MAANTA Turkiga oo jaray qeeybo kamid ah dhaqaalihii uu siinjiray Soomaaliya.

Turkiga oo jaray qeeybo kamid ah dhaqaalihii uu siinjiray Soomaaliya.

28
0

Talado Dec 16, 2025 {CBB}Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid kabkii lacageed ee Miisaaniyadda dowladda oo Turkiga uu ka bixin jiray.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ka heshay dhaqaalihii kabka Miisaaniyadda inta badan xubnaha beesha caalamka, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Wuxuu si gaar ah u xusay dowladda Turkiga, oo ka mid ah dalalka ugu dhow ee Soomaaliya, in sannadkan aysan weli bixin lacagihii kabka ahaa ee ay caadiyan ku taageeri jireen Miisaaniyadda dowladda.

“Kabka sanadkan ee ay bixin jirtay dowladda Turkiga, oo gaarayay 30 milyan oo doollar, ayaa gaabis ku yimid. Sannadihii hore si joogto ah ayay u bixin jireen,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannadkan ay gaareyso in ka badan hal bilyan oo doollar, isla markaana ay hortaallo Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here