Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku Dhawaaqay Xaalad bani’aadannimo oo...

Sawiro;-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku Dhawaaqay Xaalad bani’aadannimo oo ka jirto Degaanada KGS.

27
0

Arbaco Dec 17, 2025 {CBB}Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WAGMM) ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku dhawaaqday in xaalad degdeg ah ay ka jirta deegaannada maamulkaas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in wasaaradda markii ay xog-uruurin ka sameysay xaaladda Bani’aadanimo ee ka jirta deegaannada KGS ay u soo baxday:

Cuno yari: In ka badan 621,000 qof oo ku nool KGS ayaa u baahan inay helaan gargaar Bani’aadanimo oo degdeg ah

Nafaqo darro: Daraasaddii ugu dambeysay ee dhinaca xaaladda Nafaqo darrada waxay muujinaysaa in ka badan 134,970 caruur oo da’dooda ka yar tahay 5 sano, ay wajahanayaan xaalad nafaqa-darro oo aad daran deeegaanada KGS.

Roobka Deyrta oo yaraaday: Ilo-biyoodyada Gobollada oo dhan ayaa si degdeg ah u yaraanaya, taasoo ku qasbeysa qoysaska iyo xoolaha inay safraan masaafo dheer si ay biyo u helaan.

Wax soo saarka Beeraha: Warbixinta Wasaaradda Beeraha oo sheegaysa in deegaanno badan roobka ku da’ay aad u yaraa, taasoo sababeysa in wax soo saarka beeraaha ee Deyrta la filanaayo uu yaraan doono.

Digniino ka imaanaya Deegaanada: Warbixinta WAGMM ay ka hashay masuuliyiinta heer Gobol, Degmo iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada waxay ka wada simanayeen qaylo dhanta ku aadan in xaaladda nolosha bulshada ay sii adkaaneyso.

“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka markey qiimeysay xaaladaha kor ku xusan, waxay ku dhawaaqaysaa Digniintan oo ah in Xaalad Khatar Bani’aadanimo aay ku soo wajahan tahay Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.” Ayuu intaa raaciyay war-saxaafdeedka.

Xaaladdaha ugu darran:
1. Cuno yari
2. Nafaqa darada Carruurta
3. Biyo Yaraan
4. Iyo kuwa kale

Hoos Ku Akhriso; Warqada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here