Isniin 22 Dec 2025 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday in Turkigu ka hirgeliyay gudaha Soomaaliya Talis Hawlgal Cir (Air Task Command) oo ka kooban diyaarado qumaatiga u kaca, kuwa adeegga iyo diyaaradaha dagaalka.
Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay Kulanka Qiimeynta Sanadlaha ah Baarlamaanka Turkey oo su’aalo waydiiyay, isagoo xusay in tallaabadani ay qeyb ka tahay iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya, isla markaana lagu xoojinayo tababarka, amniga, iyo awoodda hawlgal ee ciidamada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo tirobeel ah oo aan faahfaahin lagashay dowladda Turkey.







