Isniin 22 Dec 2025 {CBB}Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in maalinta codbixinta ee 25ka Bishaan la joojin doonno isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.
Booliiska ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin Adkaynta Nabadgalyada ee Doorashada Dadweyne ee Khamiista todobaadkaan ka dhacaysa Magaalada Muqdisho.
6da Aroornimo (6:00 AM) ilaa 6da Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codaynta Doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karo sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka.
Gaadiid u gaar ah u adeegista dadka codaynaya, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, kuwa Ciidamada amniga sugaya iyo kuwo kale oo ruqsad u haysta in ay socon karaan ayaa maalintaas keliya mari doonna Waddooyinka Gobolka Banaadir sida hadalka loo dhigay.
Dadka danaynaya Doorashada Dadweyne ee Dowlaha Hoose ayaa indhaha ku haya dhacdadaan Soomaaliya ka hirgelaysa muddo dheer kaddib, waxaana is dhinac socdo Ololaha Ururrada diiwaangashan, qaadashada Kaararka iyo diyaargarowga Guddiga Doorashooyinka.







