Isniin 13 August, 2024 {CBB}Wasiiru-dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Haadi Siraad Cumar Ayaa Xafiiska Wasaarada Ku Qaabilay Madax ka socotay Ha’ada Unicef oo Hogaaminayay Madaxa Barnaamijyada Hay’ada Unicef Evans Vai iyo Saraakiil kale.
Intaas kadib Waxaa Shir Muhiim ah ay la Qateen Masuliyiinta Wasaarada waxaana looga hadley Guud ahaan Tacadiyadaha Ka Dhanka Ah Carruurta iyo Sidii Daryreel loogu Heli lahaa Dhibaatooyinka loo Gaysto Gaar ahaan Askaraynta Carruurta.
Wasiir-dowlaha ayaa u mahadceliyay madaxdii ka socotay hay’adda UNICEF iyo sida ay mar weliba ugu warhayaan Carruurta ku nool degaanada koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka loo geysto Carruurta gaar ahaan askareynta.
Gabagabadii shirka guud ahaan waxaa la isla gartay in la Dardargaliyo Mashaaricda kor loogu qaadayo wax-kaqabashada Arimaha askaraynta carruurta iyo sidii loo heli lahaa Xaruumo lagula tacaalo carruurta samaynta ku yeelatay Dagaalada Colaadaha Xubaysan .