Isniin 13 August, 2024 {CBB}Taliyaha Ciidanka Boliiska Gaarka Degmada Buur Hakaba Ee Gobalka Baay G/le Maxamed Xasan Aadan ( Sandheere) Ayaa Faafahin ka Bixyey Guud ahaan Xalaadda Amniga Degmada Buur Hakaba.
Taliyaha ayaa sheegay in ay jireen ciidamo yar oo Amar diido sameeyay in ay xabado rideen kadibna gacanta lagu soo dhigay Laguna amaray in ay degmada ka joojiyaan nabad galiyo xubada kadibna xuriyaddooda dib loo siyay.
Maamulka iyo Laamaha amniga degmada Buur-Hakaba ayaa tilmaamay in amniga guud ee degmada uu yahay mid sugan oo lisku haleyn karo wada shaqeyn buuxdada ay ka wada dhaxeyso Laamaha amniga iyo shacabka.
Bulshada ku nool degmada Buur-Hakaba ayaa loogu baaqay in ay ka shaqeyaan Hormarka iyo nabad galiyada degmada Buur-Hakaba iskana ilaaliyaan wax yaabaha baraha Bulshada lagu wado oo ah in degmada aan ka jirin wax nabad galiyo ah.