Home WARARKA MAANTA Ra’iisul wasaare Xamse “waxaan abaal-marinay dhalinyarro ka qeyb qaatay gurmadka dhaawacyada weerarkii...

Ra’iisul wasaare Xamse “waxaan abaal-marinay dhalinyarro ka qeyb qaatay gurmadka dhaawacyada weerarkii Liido”

43
0

Isniin 13 August, 2024 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii qeyb galay gurmadkii loo sameeyay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhalinyarrada ku ammaanay tillaabadaasi iyo sida ay u caawiyeen dhaawacyda.

“Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Sidoo kale, waxaa uu intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafbartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here