Home WARARKA MAANTA Ciidanka Booliska Gobolka mudug oo Sameeyay Howlgal Dad lagu soo qab qabtay.

Ciidanka Booliska Gobolka mudug oo Sameeyay Howlgal Dad lagu soo qab qabtay.

23
0

Talaado 23, Dec 2025 {CBB}

 Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka mudug ayaa caawa Hawlgal amniga lagu sugayay Kasameyay Qayba Kamid Ah Xaafadaha Magalada Galkacyo

Hawlgalkaan waxaa hormuud u ahaa Xoghayaha Degmada, Mudane Eng. Shaafici Cawil Maxamed, oo uu wehlinayay Taliyaha Hawlgalinta Booliska, Mudane Carab Dhuubane, iyadoo ay ka qeyb qaateen saraakiisha saldhigyada xaafadaha, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah xaafadaha iyo masuuliyiin kale.

Intii uu socday hawlgalka, ayaa gacanta lagu Soo Dhigay Kooxo ku hawlaneyd khalkhalgelin amni iyo furashada taleefannada
Ciidamada Ayaa Qabtay Eedaysanayaashaan oo kala ah
1. Abdirahman Barre Ahmed 19 jir Ina Saynab Yusuf abdi
2. ⁠jaamac Mohamed Ahmed Boore
22 jir Ina Fadumo Yasin
Halka Uu Baxsad Yahay
3. ⁠Mohamed Sanyare Ibrahim 22jir Ina Ikran Canada
Eedeysanayaasha ayaa lagu Qabtay QORI BEE BEESHEE AH oo aan dhicin iyo 3 cagadood oo khamri ah iyo Mooto Bajaaj gaduud ah oo daba Malay ah oo aan Puntland kadiiwaangashanayn.

Saraakiisha Ayaa Sheegay In Edaysanayaasha Lahor Gayn Doono Hay’adaha Sharciga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here