Talaado 23, Dec 2025 {CBB}Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku laga yaabo inuu sii haysto ama iibiyo shidaalka ku jira maraakiib ay bishan ka qabsadeen xeebaha waddanka Venezuela. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha Maraykanku ay weli daba joogaan markab saddexaad.
Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha ayaa waxa uu u sheegay in ay caqli-gal noqon lahayd in madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, xilka ka dego — inkastoo uu taageero siyaasadeed ka helayo Shiinaha iyo Ruushka.
Mr Trump waxa uu hadalladan sheegay kaddib markii uu ku dhawaaqay in ciidanka badda Maraykanku dhisi doonaan nooc cusub oo markab dagaal ah oo isaga loogu magac dari doono. Waxa uu sheegay in maraakiibtan ay noqon doonaan astaamo si cad u muujinaya awoodda Maraykanka.







