Talaado 23, Dec 2025 {CBB}Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in isla xisaabtan lala sameeyo Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay ku eedeeyeen wax isdaba-marin.
Xubnaha dalbaday isla xisaabtanka waxaa kamid ah Xildhibaan Gobsan Muxumed Cumar oo fadhi wada jir ah ay fadhiyeen mudanayaasha Golaha Shacabka & Aqalka Sare kahor sheegtay in Guddoonka Hay’adda SoDMA ay u baahan yihiin Xildhibaannadu in ay la xisaabtamaan.
Gobsan waxa ay carrabka ku dhufatay in kaalmo kala duwan oo ka kala timid dalalka Saaxiibada la ah Soomaaliya loo gacangeliyay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA balse aanay jirin cid la xisaabtantay oo wax ka weydiisay sida ay u maaraysay iyo waxa ka haray ee yaallo.
“Hay’adda SoDMA saddex sanno way jirtaa haddii aan qaldanayn, Deeqaha waala soo gaarsiiyaa, yaa la xisaabtamay? Iyada oo aan intii hore aan laga xisaabin ayaa la leeyahay waxaa lagu kordhinayaa $12 Milyan, waa dhibaato haddii aan lala xisaabtamin,” Sidaasi waxaa tiri, Xildhibaan Gobsan Muxumed Cumar.
Hay’adda SoDMA waxaa horay marar badan loogu dhaliilay in ay ka gaabisay Kaalmooyinkii la rabay in ay gayso qaybo kamid ah dalka iyada oo Bakhaaradeeda ay ka buuxaan Kaalmo ka timid dalal kala duwan, halka meelaha qaar gargaar kooban ay u dirtay.
SoDMA ayaa horay lagu eedeeyay in gargaar ahaan ay degmada Muqukori ee gobolka Hiiraan ay gaysay qalabkii loogu talagalay Covid-19 iyada oo laga sugayay kaalmo bani aadamnimo oo lagu caawinayo dadka deegaanka iyo ciidanka Macawiislyda.







