Talaado 23, Dec 2025 {CBB}Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa falcelin xooggan ka samaysay eedeynta Taiwan oo qayb ka ah Dalkaas balse isku aragta in ay ka go’day ay u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahayd in Dowladdu ay ilaalinayso midnimada & wadajirka China.
Qoraal dheer oo Safaaradda ay soo dhigtay Barteeda X ee horay loo oran jiray Twitter waxa ay ku sheegtay in warka kasoo yeeray Taiwan uu yahay mid aan loo dulqaadan Karin maadaama Xukuumadda Beijing ay xoogga saarayso inay ilaalsado midnimadeeda.
Shiinaha ayaa weerar Afka ah ku qaaday Xafiiska Taiwan ee Magaalada Hargaysa ee Somaliland, waxaana uu meesha ka saaray in wax lagu dhaliili karo uu yahay go’aanka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku garab istaagay Wadajirka Dhuleed ee Shiinaha.
Xukuumadda Beijing ayaa dimuqraadiyad been ah ku tilmaamtay hadallada ay Taiwan wareejineyso dibadda si ay u raadiso Ictiraaf ama gooni istaag, waxa ay ku goodisay in aanay dhici doonnin arrintaas iyada oo la raacayo Xeerarka Qaramada Midoobay.
“Warka kasoo baxay Maamulka DPP ee Taiwan waa mid indha la’aan ah, waa war ka yimid xafiis sharci darro ah oo huwan Dimuqraadiyad been ah, waana go’aan geesinimo leh in Madaxweyne Xasan Sheekh uu taageerro midnimada & Wadajirka Dhuleed ee Shiinaha, mana ahan in lagu dhaliilo” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha.
Dowladaha Soomaaliya & Shiinaha ayaa dhowr jeer cambaareeyay Taiwan oo sheegata in ay ka go’day China iyo Somaliland oo iyanna ku doodda in ay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya inkasta oo aanay labaduba helin aqoonsi.
Xukuumadaha Muqdisho & Beijing ayaa cambaareeyay xafiisyada ay is dhaafsadeen Somaliland iyo Taiwan iyaga oo ku tilmaamay kuwo lagu kala qaybiyo Bulshada, waxa ay Soomaaliya iyo Shiinaha ay sheegeen in dal weliba uu kan kale ku garab taagan yahay ilaalinta midnimadiisa, wadajirkiisa iyo madaxbannaanidiisa.







